dalahast

CAADI NAFTAADU HA ISKA AHAATO

Nacayb iyo walaacyada ku saabsan jawaab celinaha dadka waxay ka dhigaan dad badan oo ah LGBT in ay ka baqdaan in ay noqdaan kuwo  furan dhanka nooca galmadooda ama haddii ay qabaan hiv. Sidaas awgeed,  qaar badan waxay ku nool liyihiin nolol labba ah taas oo saamayn karta labbadaba caafimaadkooda caqliga iyo jidhka. Taasi waa shay ay RFSLDalarna ay doonayso in ay beddesho.

WAXAAN JOOGNAA HALKA AAD JOOGTO

RFSLDalarnasujeedadeeda ugu wayni waa in la wargeliyo oo loo noqdo mid ay ku daydaan dad ah LGBT oo ay ka shaqeeyaan waxa ku lidka ah nacaybka, jaahilnimada, iyo baqdinta gudaha wadanka. Si loo faafiyo xogta ku saabsan hiv/aydhiska siiba cudurada kale ee lagu kala qaado galmada (STI) sidoo kale waa qayb muhiim ah oo ah waxa aanu qabano.Wakhtiyada badankooda waxaanu ugu shaqaynaa sidii doon nolosha ah  dadka LGBT anagoo ka caawina iyaga in ay si aayar aayar ah u dhisaan dhiiranaantooda, awooda iyo furnaata.

WELIGEED KHALAD MA NOQON KARTO IN LA IS JECLAADAA

Ka sakow hawlahayaga bulsheed, waxaanu la shaqaynaa ololayaasha, iskaashi la samaynaa dugsiyo kala duwan, ka qayb qaadanaa shir waynayaasha dhalinyarada, oo caawinaa qaban qaabada xafladda Falu Pride.Taa waxa raaca.Waxaanu la hadanaa siyaasiyiinta gudaha oo waxaanu la shaqaynaa xogta iyo dhisida fikradaha gudaha DalarnasLandsting iyo degmooyinka. Ujeedada dhammaan shaqada RFSLDalarna waa in la horumariyo fayo qabka jidheed iyo nafsiyeed ee dadka LGBT iyo dadka la nool hive ee gobolkayaga.

TANI WAA ANAGA

RFSLDalarna siyaasad ahaan waa mid madax banaan oo ah qayb aan macaash lahayn oo ka tirsan federaaliga qaranka RFSL.RFSLDalarna goobteeda ugu muhiimsani waa aqalka naadiga ee badhtamaha Falun, booqo boggayaga internetka www.rfsldalarna.se  ee cinwaanka hadda iyo saacadaha furitaanka. Aqalkayaga naadiga waxaanu habbaynaa tusaale ahaan dhacdooyinka bulshadda oo loogu yeedho goobta bunka ee fiidadka, khudbadaha, filimada habeenada, kullamada qaraabada ee muhaajiriinta dhawaan timid.Halkan waxaad ka amaanaysan kartaa filimo, buuggaag oo waxaad heli kartaa kodhomyo iyo saliid lacag la’aan ah. Sidoo kale waxaad waydiin kartaa wax ku saabsan hiv oo waxaad ogaan kartaa halka aad naftaada ku baadhi karto, lacag la’aan iyo iyaddoo magacaaga la sheegin.

www.rfsldalarna.se
dalarna@rfsl.se

rfsl_dalarna

print_28