Tatelicious – We Are Survivors

 

Ophelia

WAXAANU NAHAY SAMATA BAXAYAAL

Sidii qof wal oo kasta, waxaad xaq u leedahay nolol wanaagsan. Noloshaada. Iyaddoon loo eegin meesha aad ka timid, waxa ku soo maray ama riyadaada.

”Waxaanu nahay samata baxayaal” waxay kuu tahay adiga qorshe oo dhawaan yimid Iswiidhan, soo maray wakhtiyo adag oo haddana ah riyada nolol cusub. Sinjiga, da’da, nooca galmo ee qofka ama cudurku ma joojin karo. Riyada nolosha. Nolol fiican. Noloshaada.

DIIWAANGASHO BAADHITAANKA HIV

WAXA JIRA EE LAGA OGAANAYO HIV

Waxaa jira ugu dhowaan 7000 oo qof oo qaba HIV gudaha Sweden maanta. Ilaa 500 oo qof ayaa laga aqoonsadaa inay qabaan HIV sanad kasta Kuwa lagu aqoonsado ee hore si ku filan loogu daaweeyo waxay ku noolaan karaan nolol caadi ah oo waxay dareemaan wanaag iyaddoo ay sababtay saamaynta dawooyinka la heli karo maanta. Baadhida HIV, ballamaha caafimaadka iyo daawaynta waa lacag la’aan Sweden. Shaqaalaha caafimaadka iyo turjubaadanu waxay ku khasbayihiin qarinta oo qofna lama mastaafurin doono sababtoo ah waxa uu qabaa HIV. Gudaha Sweden, HIV, caqabad kuma ah dadka inay awood ugu yeeshaan si ay u dhammaystiraan riyooyinkooda.

WAA MAXAY HIV?

HIV waxaa loo soo gaabayaa fayraska difaac la’aanta jidhka aadamaha. “Human” macanaheedu waxa weeye dadka. “Immune Deficiency” macnaheedu waxa weeye inay u saamayso nidaamka difaaca si xun. “Virus” macnaheedu waxa weeye fayras oo ma aha bakteeriya, taa waxaa loola jeedaa antibiyootigu waxba kama tarto, si kastaba ha ahaatee waxaa jira dawooyin caafimaad oo wax tar leh oo tan lagaga hortaggo. Ma jirto dawo la yaqaan oo uu leeyahay HIV, laakiin dawadaa mahad leh waxaad ku noolaan kartaa nolol caadi ah addoo qaba cudurka raaga ee HIV.

WAA MAXAY CALAAMADAHA HIV?

Dadka badankoodu waxay helaan calaamado kasta oo HIV oo ma ogaatid dhammaanba. Kuwa kale waxay heli karaa calaamadaha ka dib hal ama labba todobaad kuwa la mid ah cudurada kale ee fayraska  –  xumad, hunguri xanuun, qanjadh barar ama finan. Habka keliya ee la hubo ee lagu garto HIV waa in la is baadho.

WAA MAXAY AIDS?

Haddii HIV aan la ogaan oo aan la dawayn, waxay keeni kartaa AIDS. Fayrasku waxa uu weeraraa unuga-T kaas oo jidhka ka ilaaliya cudurka oo in dheeraad ah ma qaban karto shaqadiisii. AIDS waa magaca jamaca ah ee cudurada ku dhici kara. Dawaawaynta wax tarka leh HIV uma kobco AIDS.

SIDEE HIV LA ISUGU GUDBIYAA?

Dhammaan dadka, iyaddOon loo eegin sinjiga, da’da ama qaabka galmadda waxay qaadi karaan HIV. HIV waxaa la isku gudbiyaa keliya marka aanad haysan daawaynta caafimaad ee saxda ah oo diyaar ah. Daawaynta waa daawayn maalin kasta ah oo nolosha oo dhan ah, laakiin daawaynta saxda ah HIV waxa uu noqdaa mid hurda oo lama gudbin karo. Fayraska HIV waxaa keliya oo la isku gudbin karaa saddex hab:

HIV waxaa keliya oo la isugu gudbiyaa:
• galmada aan is dhowrida lahayn ee dabada iyo galmada siilka iyo galmaDa afka.
• dhiiga iyadda oo la wadaago irbaddo ama siriijyo
• hooyada oo u gudbisa ilmaha muddada uurka, dhalmadda ama naas nuujinta.

Halista HIV isku gudbinteedu waxay u saraysaa muddada dhowr bilood ka dib qaadista HIV. Qadarka fayraska ah ee ku jirta qulqulka dhiigu aad ayuu wakhtigan u sareeyaa, marka dad badan aanay ogayn inay qabaan fayraskan oo si aanay ogsoonayn ayay ugu gudbin karaan fayraska kuwa kale. Caabuquna waxa uu ugu sii halis bataa haddii aad qabto cudur kale oo galmadda lagu kala qaado (STI)

FAAFIDA HIV

Si loo muujiyo xtiraam iyo tixgelinta kuwa kale isticmaalka cinjirka kondhomka waa habka ugu wanaagsan ee looga hortaggo faafida HIV iyo cudurada kale ee galmada lagu kala qaado. Cinjirada kondhomka waxay ka ilaalin karaa cudurada galmadda la isugu gudbiyo, haddii la gashado muddada galmada, taas waa marka gusku galo siilka, afka ama dabada. Iyaddoon lala wadaagin irbaddo ama qalabka mudditaanka kuwa kale waxay yarayn kartaa faafida HIV. Siiba cinjirada kondhomka, baadhida iyo daawayntu waa ka hortagga ugu wanaagsan. Naftaada u baadh qaabab caadi ah caafimaadkaaga awgeed. Ogaanshaha hore ee HIV iyo daawaynta hore waxay yarayn kartaa faafida HIV.

KA BAADHIDA NAFTAADA HIV

Gudaha Sweden, baadhida waxaa lagu fuliyaa xaga dhakhaatiirta iyo daawayntna waxaa lagu heli karaa bilaash oo lagu daaray sidoo kalena waxaad heli kartaa taageerada iyo talo haddii aad u baahato. Waxaa lagugu baadhi karaa ku bixinta muunad dhiig ah xaga xarunta caafimaad ama cusbitaalka, oo magacaaga waa la qarin doonaa haddii aad rabto. Dhakhaatiirta iyo turjubaanada gudaha Sweden waxay ku khasban yihiin qarinta oo qofna uma sheegi karaan haddii aad qabto HIV ama LGBT.

Waa muhiim in lagu baadho dhowr sababood awgeed. Qayb ahaan si looga hortaggo u gudbinta cudurka kuwa kale, iyo in laga hortaggo u kobcida AIDS. Goorta hore ee aad dawooyinka hesho, sida wanaagsan ee aad jidh ahaan uga jawaabto daawaynta.

DAWADA WAXTARKA LEH

Maanta, waxaa jirta mid aad u wanaagsan oo ku lid ah HIV. Dawooyinka waxay ka hortaggaan nidaamka difaaca jidhka in la muquuniyo oo dib ayay mar labbaad dib ugu dhisaan. Wixii daawayn ah ee laga shaqaynayo, waa inaad qaadataa mid ama labba kiniin ah maalin kasta nolosha oo dhan.

LA NOOLAANSHAHA HIV

Aqoonta saxda ah iyo dawadana, waxaad noolaan kartaa nolol dheer addoo qaba HIV. La noolaanta HIV macnaheedu maaha la noolaansha cudur raaga oo cimri dheeraada iyo sidaasna dawo cimri dheeraata.

Ma jirto dawo uu leeyahay HIV, laakiin daryeel caafimaad oo waxtar leh iyo daawayn macnaheedu maaha in HIV aanu u kobci doonin AIDS. Maanta dawada waxtarka leh macnaheedu waxa weeye in heerarka fayraska ee ku jira jidhka loo yareeyo ugu badnaan eber. HIV in dheer maaha xaalad nolosha khatar gelinaysa  oo mabda’ ahaan looma gudbin karo kuwa kale.  Qof kasta oo la nool HIV gudaha Sweden waxa uu xaq u leeyahay daawayn bilaash ah.

Dawooyinkana, waxaad sii wadan kartaa inaad naftaada ku noolaato nolol caadi ah marka ay timaado, tusaale ahaan, la shaqaynta saaxiibada iyo balwaddaha. Waxaad galmo la qaadan kartaa lammaane cusub, haddii aad isticmaasho cinjirka kondhomka muddada galmada oo aad ka hadasho wax ku saabsan xaqiiqda inaad qabto HIV. Waajib kuguma aha inaad u sheegto dadka aad wada shaqaysaan ama macaariifta kale inaad qabto HIV. Gudaha Sweden, cidna lagama warbixin doono oo lama mastaafurin doono iyaddoo sababtu tahay HIV ama qaabka galmadda.

IN LA SHEEGO OO LAGA HADLO HIV

Wakhtiyada qaarkood weli way adkaan kartaa in loo sheeg saaxibada iyo qaraabada in aad qabto HIV. Haddii aad rabto in aad qof la hadasho oo caawiso oo taageerto, waxaad la xidhiidhi kartaa mid ka mid ah ururada xaga hoose ee bogga. Waxay bixin karaan la talinta dadka la nool HIV iyo qoysaskooda. Talo waa bilaash oo waa qarsoodi ahmiyadda ugu saraysa.

 

Ilaha laga soo xigtay: www.folkhälsomyndigheten.se/radochfakta, www.1177.se, Noaks Ark, Kunskapsnätverket hiv/STI Mellansverige, rfsl.se, Hiv-Sverige. 

Qiimaynta caafimaad: Hiv-Sverige

dalahast

CAADI NAFTAADU HA ISKA AHAATO

Nacayb iyo walaacyada ku saabsan jawaab celinaha dadka waxay ka dhigaan dad badan oo ah LGBT in ay ka baqdaan in ay noqdaan kuwo  furan dhanka nooca galmadooda ama haddii ay qabaan hiv. Sidaas awgeed,  qaar badan waxay ku nool liyihiin nolol labba ah taas oo saamayn karta labbadaba caafimaadkooda caqliga iyo jidhka. Taasi waa shay ay RFSLDalarna ay doonayso in ay beddesho.

WAXAAN JOOGNAA HALKA AAD JOOGTO

RFSLDalarna sujeedadeeda ugu wayni waa in la wargeliyo oo loo noqdo mid ay ku daydaan dad ah LGBT oo ay ka shaqeeyaan waxa ku lidka ah nacaybka, jaahilnimada, iyo baqdinta gudaha wadanka. Si loo faafiyo xogta ku saabsan hiv/aydhiska siiba cudurada kale ee lagu kala qaado galmada (STI) sidoo kale waa qayb muhiim ah oo ah waxa aanu qabano.Wakhtiyada badankooda waxaanu ugu shaqaynaa sidii doon nolosha ah  dadka LGBT anagoo ka caawina iyaga in ay si aayar aayar ah u dhisaan dhiiranaantooda, awooda iyo furnaata.

WELIGEED KHALAD MA NOQON KARTO IN LA IS JECLAADAA

Ka sakow hawlahayaga bulsheed, waxaanu la shaqaynaa ololayaasha, iskaashi la samaynaa dugsiyo kala duwan, ka qayb qaadanaa shir waynayaasha dhalinyarada, oo caawinaa qaban qaabada xafladda Falu Pride.Taa waxa raaca.Waxaanu la hadanaa siyaasiyiinta gudaha oo waxaanu la shaqaynaa xogta iyo dhisida fikradaha gudaha DalarnasLandsting iyo degmooyinka. Ujeedada dhammaan shaqada RFSLDalarna waa in la horumariyo fayo qabka jidheed iyo nafsiyeed ee dadka LGBT iyo dadka la nool hive ee gobolkayaga.

TANI WAA ANAGA

RFSLDalarna siyaasad ahaan waa mid madax banaan oo ah qayb aan macaash lahayn oo ka tirsan federaaliga qaranka RFSL.RFSLDalarna goobteeda ugu muhiimsani waa aqalka naadiga ee badhtamaha Falun, booqo boggayaga internetka www.rfsldalarna.se  ee cinwaanka hadda iyo saacadaha furitaanka. Aqalkayaga naadiga waxaanu habbaynaa tusaale ahaan dhacdooyinka bulshadda oo loogu yeedho goobta bunka ee fiidadka, khudbadaha, filimada habeenada, kullamada qaraabada ee muhaajiriinta dhawaan timid.Halkan waxaad ka amaanaysan kartaa filimo, buuggaag oo waxaad heli kartaa kodhomyo iyo saliid lacag la’aan ah. Sidoo kale waxaad waydiin kartaa wax ku saabsan hiv oo waxaad ogaan kartaa halka aad naftaada ku baadhi karto, lacag la’aan iyo iyaddoo magacaaga la sheegin.

www.rfsldalarna.se
dalarna@rfsl.se

rfsl_dalarna

print_28
Xogta daabacaada ee ku saabsan RFSL Dalarna 

HALKAN AYAAN QOF WALBA U JOOGNAA

HIV-Sweden  waxay halkan u joogtaa shakhsi kasta oo la nool HIV iyo qaraabadooda degen  Iswiidhan, iyaddoon loo eegin cidda aad tahay iyo halka aad ku nooshahay. Waxaanu u malaynaynaa in uu qof walba yeelan karo fursado isku mid ah xuquuqdooda iyo nolosha wanaagsan ee HIV. Tani waa waxa HIV Iswiidhan, oo ay la jiraan xubnahayagu, ay had iyo jeer ka shaqeeyaan.

QOF KASTA WAXA SAAMEEYA HIV

HIV waa uu jiraa oo qof kasta waa uu ku dhici karaa – sidaas awgeed dhammaanteen waa uu ina saameeyaa HIV. Qof kastaa waxa uu leeyahay masuuliyada uu ku caawiyo yaraynta faafida HIV iyo nacaybka ku meersan. Ku dhiiro in aad la hadasho saaxiibada, qoyskaaga iyo lamaanahaaga waxa ku saabsan HIV. Waxaa jiri kara qof adiga kugu dhow oo ka baqanaya in uu  qofna ogaado in ay qabaan HIV. Ka hadalkeeda waxaad caawin jebinta aamuska iyo nacaybka.

XUQUUQAL IINSAANKA WAXAA LEH QOF KASTA

Waa xuquuqal iinsaanka awood kuu siinaysa in aad naftaada noqoto nolosha maalin kasta iyaddoon loo eegin bukaanka,  oo taasina waa sababta takoorka ku lidka ah ee shakhsiyaad la nool HIV ay uga soo horjeedo sharciga Iswiidhan. Qof kasta oo la nool HIV gudaha Iswiidhan, waxaanu ku siinaa la talin iyaddoo loo mariyo u doodahayaga iyo dhegasyte. Waxaanu ku wargelinaa shakhsiyaadka la nool HIV wixii ku saabsan xuquuqda iyo waajibaadka, su’aalaha hadda iyo jawaabaha aad ka hayso HIV.

TANI WAA ANAGA

HIV-Sweden waa urur aan macaash doon ahayn oo siyaasad ahaan madax banaan, kaas oo ilaa 1990, ka shaqeeya horumarinta nolosha dadka qaba HIV. Waxaanu nahay daladda ururka qaran ee isku xidha bukaan jiifka goboleed iyo qarankoo dhan oo taageera kooxaha loogu talo galay dadka la nool HIV iyo qoysaskooda.

Waxaanu ku shaqaynaa waano sharci ah, macluumaad, u doodid iyo u ololayn heer qaran ah, labbadaba ku lidka ah dad waynaha guud,  go’aan gaadhayaasha iyo siyaasiyiinta in si joogto loogu kordhiyo xuquuqda dadka la nool HIV. Waxaad wa badan ka akhriyi kartaa oo anaga nagu saabsan,  ku saabsan xubinta bulshaddayada iyo sida aad uga qayb qaadan kartaba linkiga hoose.

 

www.hiv-sverige.se
info@hiv-sverige.se

Hiv-Sverige

print_28
Xogta daabacaada ee ku saabsan Hiv-Sverige

Hiv idag